Published On: Sun, May 8th, 2016

Ganacsade Caawa Gaalkacyo lagu dilay

Eng.-Cumar-dheere
Caawa Salaaddii marqib ka dib waxaa magaalada Gaalkacyo toogasho lagu dilay Alle ha u naxariistee Eng. Cumar Cabdulle Oo aad looga Yaqaan iyadoo la dilay xilli uu salaaddii maqribka kasoo baxay.Dabley hubaysan ayaa Injineerka ku dishay bannaanka masaajidka Salaama ee xaafadda ee wadajir, waxaana islamarkiiba goobta ka baxsaday raggii dilka gaystay oo ku hubaysnaa bistoolado.

Alle ha u naxariistee Eng. Cumar dheere ayaa ahaa Guddoomiyaha Guddiga ganacsatada ee gobolka mudug, isagoo sidoo kale Xubin Sare kahayay guddiga dhismaha wadada wadaagsin.

Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay falka dilka ah iyadoo illaa hadda aan la sheegin cid loo qabtay Dilka Alle ha u naxariistee Eng Cumar Dheere.

Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

Xigasho SONNA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300