Published On: Sat, May 7th, 2016

Jufo ka mid ah Beesha Murusade oo caleemo saartey Nabadoon guud. (Daawo Sawirada)

barow_1

Waxaa Shalay Munaasabad balaaran oo ka dhacday Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho lagu caleemo saaray Nabadoonka Guud ee Jufada Afey Maqaafaad (Daguuro Maxamed )oo ku abtirsata Beesha Murusade.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Waxgarad, Aqoonyahano, Culumaa’udiin iyo dhalinyarada Beesha Daguuro Maxamed, waxaana dhamaan dadkii Munaasabada kasoo qeyb galay ay u hambalyeeyeen Nabadoon C/Raxmaan Aadan Barrow.

Waxa ay Tilmaameen Odayaashii kala duwanaa ee Munaasabada ka hadlay in ay ku faraxsan yihiin ayna soo dhaweenayaan Caleemo saarka Nabadoon C/Raxmaan Aadan Barrow oo loo caleemo saaray Nabdoonka Guud ee Beesha Afeey Maqaafaad.

Gabo gabadii Munaasabada waxaa ka hadlay Nabadoon C/Raxmaan Aadan Barrow, waxa uuna u mahad celiyay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada, waxa uuna balan qaaday in uu si cadaalad ah uu ugu shaqeenayo dadka isaga doortay uuna ka shaqeyn doono Midnimada Beesha iyo mida Soomaaliweyn.

Munaasabada ayaana kusoo dhamaatay jawi aad u wanagasan, waxaana dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada ugu duceeyeen Nabadoonka Maanta la caleemo saaray in ilaahey la garab galo xilka culus ee maanta dusha laga saaray.

barow_2 barow_3 barow_4 barow_5 barow_6 barow_7 barow_8 barow_9 barow_10 barow_11 barow_12 barow_13 barow_14 barow_21

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com

Share on Google+0Share on LinkedIn0Email this to someoneTweet about this on Twitter0Digg thisShare on Facebook0

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300