Published On: Sat, May 7th, 2016

Ciidanka Kenya oo Soomaaliya laga Saarayo

Raila-Odinga
Hogaamiyaha Mucaaridka wadanka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in hadii xilka Madaxweynaha loo doorto Doorashada sanadka soo socda in muddo hal sano gudaheed ah uu ciidamada Kenya uga soo saari doono wadanka Soomaaliya.

Raila Odinga oo ah Raysalwasaarihii hore ee Kenya oo ka qeyb galay barnaamij ka baxa Aljazeera ayaa sheegay hadii loo doorto madaxweynaha Kenya doorashada soo socota in ciidanka kenya oo uu sheegay in ay la kulmaan dhibaatooyinka xoogan oo kasoo wajahaya Al-shabaab uu kasoo saari doono Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale aad u dhaliilay gudiga Doorashada ee Kenya, isagoo ku goodiyey in aysan ka qeyb geli doonin doorashada soo socota hadii aan si deg degleh wax looga bedalin guddiga hada jira ee Doorashada oo uu ku tilmaamay kuwo aan dhex dhexaad ahayn.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300