Published On: Fri, May 6th, 2016

Waxgarad iyo Odayaal ku shirey Jowhar oo sheegay in ay deg deg u dhisanayaan Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Jowhar-bandow

Waxgarad, Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ka hadlay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ay sheegeen in ay ku dadaalayaan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto dhismaha Maamulkaasi.

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ayaa ugu baaqay beelaha ka maqan shirka Jowhar iney ku soo biiraan shirka isla markaana ay muujiyaan tanaasul.

Waxaa magaalada Jowhar ka soconaya shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana wali jira beela ka soo jeeda qaabka uu u socdo dhismaha maamulkaasi.

Markacadaeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300