Published On: Fri, May 6th, 2016

Q. M. oo cambaareeysay weerarki qaxootiga Suuriya

un-logo
Qaramada Midoobay ayaa cambaareeysay weerarkii duqeynta ahaa ee lagu qaaday xero ku taal Suuriya, oo ay ku jireen dad qaxooti ah iyadoo sheegtay in arrintaasi ay noqoneyso dambi dagaal.Duqeyntaasi ayaa laga cabsi qabaa in ugu yaraan ay ku dhinteen 30-qof, oo isugu jiray caruur iyo haween.

Stephen O’Brien, oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ku baaqay in la baaro weerarkaasi ka dhacay gobalka Idlib, ee xuduuda la ah dalka Turkiga.

Mar uu la hadlayay BBC ayaa, Mr O’Brien waxa uu sheegay in cidda mas’uuliyadda weerarkaasi leh ay wajahayso cawaaqib xumo.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeynaya duqeyntaasi dowladda Suuriya, taas oo todobaadyadii u dambeeyay bartilmaameedsaneysay falaagada ku sugan goobahaasi.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Philip Hammond, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, in uu quursanayo dadaalada ay wadaan beesha caalamka ee lagu joojinayo colaadda dalkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300