Published On: Thu, May 5th, 2016

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in madaxweynaha ku saxan yahay Talaabada Ceydiid Ilko Xanaf uu xilka uga qaadey

xeer

Xubnaha ugu sareeya Garsoorka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kaga qaaday gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ilka-xanaf iyo gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka.

Waxaana kulankan dadka isugu yimid ka mid ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee dalka, Gudoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuuriyo Mas’uuliyiin kale.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in u jeedka kulankan uu ahaa mid ay ku soo dhaweynayaan go’aanka madaxeynaha Soomaaliya uu shalay xilka kaga qaaday gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxaana ay sheegeen in tallaabadaasi ay tahay sharci Madaxweynaha awood u siineysa in uu xilka uu ka qaadi karo guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Xasan Maxamed Cali Wariiri oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa Sheegay in horraanta todobaadka soo socda uu wareejinayo xilka soona dhaweeynayo Xil ka qaadista lagu sameeyay.

DAAWO SAWIRADA

xeer1 xeer3 xeer4 xeer5

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300