Published On: Thu, May 5th, 2016

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la taageeray “SAWIRRO”

vlcsnap-2016-05-05-15h10m22s206Kulanka waxa ka qeyb galay Siyaasiyiin Hore Wasiiro uga soo noqday Dowladihi Ku meel gar ka aha ee dalka, Odayaal Dhaqameed aqoonyahano iyo qeybaha Bulshada oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraam waxaana lagu taagarayay Sida uu u socda Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe,

Kulanaka intii socda waxa lagu Bogaadiyaya Dowladda Dhexe iyo Duubabka Dhaqanka Sida daganaanta iyo isu tanaasulku ku jiro oo ay shirka u wadaan.

Nabadoon Maxamuud Xasan Xalane, Caaqil Qaalid Cabdi iyo Siyaasi Cabdriraxmaan Jimcaale Cusmaan oo xildhibaan iyo wasiirba ka soo noqday dowladahi ku meel gaarka ahaa waxa ay si wadajir ah u sheegay in dhawaan la soo gabagabaynayo Wajiga labaad ee shirka.

Waxa ay intaa ku dareen in Beelaha Labada Gobol ay u dhan yihiin shirka oo aanay jirin Beel ka maqan waxaana  Been Abuur ay ku tilmaameen Siyaasiyiinta ka soo horjeeda  Dhismaha Maamulka Hiiraan yo Shabeelaha-dhexe oo ku aadan Habsami u socodka Shirka, Beesha caalamka ha kordhiso taageerto shirka.

Warmurtiyeed ay u dhanyiin ka qeyb Galayaasha Kulanka ayaa la soo saaray waxa uu aha sidatan

Ujeedo Warsaxaafadeed Taageerada Shirka Maamul u sameynta.

1-      Shirka Maamul u sameynta waxa uu soo maray Marxaladda kala Duwan waxaana  Maalmaha soo socda uu u gudbaya wajiga sedexaad oo lagu xulayo ergada ansixinaysa Dastuurka Dowlad Goboleedka.

2-      Waxaan jirin wax cabaqabad ah oo ka dhex taagan Beelaha Ka soo jeeda Gobolka Hiiraan  sidaas darteed waxaan ka digaynaa in shirka ay carqaladeeyaan oo tashwiish ku furaan Shaqsiyaad dano gaar ah leh sidookale na isku dayaya inay jahawareeriyaan Shacabka weynaha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan .

3-      Waxaan Gacma Furan ka soo dhaweynayna cidkasto oo wanaag ku soo kordhinayso Maamul u sameynta waxaana ka soo horjeedna cidkasto oo ujeedkeedu tahay inay Fashiliyaan Shirka Dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

4-      Ugu dambeyn waxaa u mahad Celinaynaa Duubabka Dhaqanka iyo Wakiilada Beelaha sida ay ugu dadaalayaan u gudbida shirka ee wajiga sedexaa

5-      Waxaan kale oo aan u Mahadcelinaynaa Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaal Sida ay u maaraynayso Shirka Maamul u sameynta.

Kulankan ayaa imaanaya xili dhawaan la filayo in loo gudbo wajiga ugu dambeeya ee shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

vlcsnap-2016-05-05-15h10m27s11 vlcsnap-2016-05-05-15h10m55s28 vlcsnap-2016-05-05-15h35m09s229 vlcsnap-2016-05-05-15h35m22s117 vlcsnap-2016-05-05-15h35m59s224 vlcsnap-2016-05-05-15h36m52s227 vlcsnap-2016-05-05-15h53m01s198 vlcsnap-2016-05-05-15h54m12s140

vlcsnap-2016-05-05-15h55m02s52

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300