Published On: Thu, May 5th, 2016

Boosaaso: Wasiirka Amniga Puntland oo dhaawacmey.

qarjab

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaarey wasiirka amniga ee maamul goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in israsaaseyn dhexmartay ciidmada maamulkasi, taasi oo ay ku dhaawacmen 7 ruux oo ay ku jiran Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo gudoomiyaha gobolka Bari.

Iska hor imaadka ayaa dhexmaray ilaalada Taliyaha ciidamada birmadka Puntland Cismaan Afdalow iyo ciidamada Taliyaha Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduudow.

Wasiirka ayaa cusbitaal la dhigay sida wararka ay sheegayan mana jirto faahfaahin badan oo arintan la xiriirta, sidoo kale lama helin weli sababta keentey isku dhaca ciidamadan.

Wararka ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa Insha Allah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300