Published On: Wed, May 4th, 2016

Tartan kubadda cagta ah oo loo soo gabo gabeeyay ardayda dugsiyada sare

92
Tartankan kubadda cagta oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda City ayaa waxaa uu socday muddo bil,waxaana loo qabtay dugsiyada sare ee ku yaala 16 degmo oo ka tirsan  gobolka banaadir.Tartankan oo ugu dambeyn ay isugu soo hareen labada dugsi oo kala ah Hoyga Xamar iyo Jaabir Bin Hayaan, kuwaasoo waqtigii cayaarta loogu talagalay bar bar dhac ku dhameystay, waxaana sidaas daraadeed rigoorayaal cayaarta ku badisay kooxdii ka socotay dugisga sare ee Hoyga Xamar.

Xaflad kooban oo tartankan lagu soo gaba gabeynayay ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka Jaamacadda City iyo maamulka Degmada C/casiis.

Madaxa wax barashada ee Jimciyada Maka Al mukarama C/qaadir Maxamed Xasan ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan kooxaha tartankan mudada uu socday ka qeyb galay.

Hormuudka Jaamacadda City Cabdullaahi Maxamed Bariise ayaa amaan u jeediyay dugsiyadii tartankan ka qeyb galay ee cayaar wanaaga ay muujiyeen inta uu tartankan socday, isagoo sheegay in tartamada soo socda Jaamacadda city ay magac ahaan uga qeyb galeyso.

Tartamada noocaan ah oo ay qabaneyso Jaamacadda City ayaa waxa ay yihiin kuwo lagu dhiira gelinaayo ardayda wax ka barata dugsiyada ku yaala magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300