Published On: Mon, May 2nd, 2016

Madaxweynaha oo u ambabaxay tegeya jiida hore goobihii ay ku dagaalameen Alshabaab iyo ciidamada dowlada.

gurguurte

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxaweynaha Jamhuuriyada federaaliga ee Soomaaliya goor dhow oo galabta ah u ambabaxay deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida ay sheegayaan warar aanu helnay.

Madaxweynaha ayaa booqanaya deegaan dhowaan ciidamada dowlada ay dagaal kula galeen kooxda Alshabaab, waxaana lagu soo waramayaa in ay ka sii horeeyeen ciidamo boqolaal ah oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Wararku waxay leeyihiin Socdaalka Madaxweynaha ee Shabeelaha Dhexe ayaa ka danbeeyay markii uu maanta soo saaray amar ah in gobolka Shabeelaha Dhexe laga xoreeyo ururka Alshabaab.

Madaxweynaya ayaa diyaarad gaara ka raacay magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan inuu khudbad u jeedin doono ciidamada dowlada ee howlgalka ka bilaabaya gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada dowladda oo wata in ku dhow 50 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo sahayda, waxaana dagaalkan ka danbeeyay weerar Alshabaab ku qaadeen ciidamo ku sugnaa Ruunirgood.

Wixii ku soo kordha warkani waan idin soo gudbineynaa.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300