Published On: Sun, May 1st, 2016

Madaxweynaha “dowladda dadaal xoogan ayay ugu jirtaa hormarinta shaqaalaha”

madaxweynaha_SoomaaliyaMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta waxa uu ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degayay maalinta shaqaalaha aduunka oo maanta ku beegan.

Waxaa sidoo kale munaasbada qeyb ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Ururada haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Intii munaasbada ay socotey ayaa waxaa lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan shaqaalaha Soomaaliyeed taas oo lagu muujinayay in door muhiim ah ay ka qaataan hormarka dhinaca dhaqaalaha.

Madaxweynaha oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirto sidii loo hormarin lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa ku dhawaaqday in ay fasax yihiin 2 maalmood shaqaalaha Soomaaliyeed, si loo xuso maalinta shaqaalaha aduunka oo ku beegan 01-05-16.

Maanta ayaa waxa ay ku beegan maalinta shaqaalaha aduunka waxaana lag xusay aduunka.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300