Published On: Sat, Apr 30th, 2016

Tahriibayaal Badda laga soo badbaadiyay oo Xeebta Boosaaso laga soo dejiyay

timthumb (5)

Ku dhawaad 100 ruux oo Tahriibayaal ah oo muddo Shan cisho ah Doontii ay saarnaayeen Dul sabeynaysay badda u dhaxeysa dalalka Somaliya iyo Yemen, ayaa la soo badbaadiyay.

Dadkaan ayaa xalay fiidkii waxaa laga soo dejiyay Dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Sida uu sheegay Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Dadka Doontaan saarnaa ayaa waxa ay gaarayeen 92 ruux oo 85 ka mid ah ay u dhasheen dalka Itoobiya, halka 7-da ruux ee kale ay ahaayeen dad Somali ah.

Hooyo uur leh ayaa ka mid aheyd dadka Tahriibka ku jiray ee la soo badbaadiyay, waxaana soo badbaadiyay Markab ay leeyihiin ciidamada Badda NATO ee howlgalka ka wada Xeebaha Somaliya.

Doontii ay la socdee dadkaan ayaa cilad ku timid, waana mida sababtay in muddo Shan cisho ah badda ay dul sabeyso Doonta ay saarnaayeen, iyadoo markii dambe gurmad badbaado ah ay ka heleen Markabka ciidamada NATO ay wateen.

Inta badan dadka u tahriiba dalka Yemen, ayaa waxa ay ka ambabaxaan Xeebaha Maamulka Puntland, inkastoo Puntland ay horay u sheegtay inay la dagaalamayso Tahriibka.

Dhalinyarada Somaliyed ayaanan weli ku quus qaadan masiibadii dhawaan ka dhacday Biyaha u dhaxeeya Masar iyo Talyaaniga oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 oo ruux oo Somali ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300