Published On: Sat, Apr 30th, 2016

Madaxweynaha Soomaliland oo Xilka ka qaaday Wasiir iyo Taliye Ciidan

 Madaxweynaha_SL_Axmed_Siilaanyo_HOL_660

Madexweynaha maamulka Soomaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  waxa uu xilka qaaday wasiirka  wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliland,iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Badda  Soomaliland.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay,JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

  1. Ujeeddo:      Xil-ka Qaadis

Ø  Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Og:      Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

  1. Ujeeddo:   Xil-ka Qaadis

Ø  Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha Soomaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday qorsho xilka looga qaadayo qaar ka mid madaxda Soomaaliland kuwasoo lagu eedeeyey in fulin waayeen amarada kasoo baxaya madaxtooyada Soomaaliland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300