Published On: Thu, Apr 28th, 2016

Francisco Madeira:- “Wada-shaqeynta AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda ayey ku xiran tahay Guusha laga gaaro Dagaalka Alshabaab”

Francisco Madeira
Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa tilmaamay  in loo baahan yahay in laga hadlo Taliska iyo qaabka Kontoroolka ee loo baahan yahay.

“Xiriirka u dhexeeya AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia ee SNA waa shayga keliya ee loo baahan yahay in go’aan laga gaaro, haddii la guuleysanayo iyo haddii la  loodin waayo Alshabaab” ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.

Waxa uu intaasi ku daray haddii taasi la waayo in khatar loogu jiro in la guul-daraysto.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Tewolde Mulugetaayaa ka digay inay Somalia dib u laabanayso, haddii aysan Beesha Caalamka xoojinin awooddaha ay ku hawlgalaan Ciiddanka AMISOM.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency (AA) waxa uu tilmaamay inay AMISOM caqabad ku tahay haddii aan Maamulka Dowladda iyo Ururadda Bulshadda Rayidka lagu faafinin Degaanadda ay AMISOM kala wareegeen Alshabaab.

Sidoo kale, Arthur Bainomugisha  oo Barre ka ah Jaamacadda Makerere University ee magaalladda Kampala ayaa sheegay inay soo hagaagayso Nabadda Somalia, mar kasta oo awoodda Alshabaab la wiiqo, waa sida uu hadalka u yiri.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Anadolu waxa uu tilmaamay inay Alshabaab weli khatar ku yihiin Ammaanka, isla markaana ay awoodaan inay si aan kala sooc lahayn u weeraraan bartilmaameed kasta, waa sida uu hadalka u dhigay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300