Published On: Thu, Apr 28th, 2016

Dad loo soo qab qabtay weerarkii lagu qaaday hoyga Xildhibaan Dhaayow

dad-loo-heesto

Wasaaradda Amniga Somaliya, ayaa waxay sheegtay in laamaha ammaanka Magaalada Muqdisho, ay dad u soo qab qabteen weerarkii hal habeen ka hor loo gaystay hoyga uu Caasimadda ka degan yahay Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow.

Weerarkan oo loo adeegsaday bambo gacmeyd, ayuu ka badbaaday Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, waxaase ku dhaawacantay ugu yaraan afar ka mid ah ilaaladiisii.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa xaqiijiyay inay jiraan dadka loo soo qab qabtay weerarkaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu jiro nin si dhow loola xiriirinaayo weerarkaasi oo laga soo qabtay meel ku dhow hoyga Xildhibaanka, oo ku yaala Degmada Hodan, gaar ahaan dhinaca Carwadii Hore.

Afhayeenka oo gelinkii dambe ee Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayuu weerarkaasi ku eedeeyay mid ay ka dambeysay Al Shabaab.

Xildhibaan Dhaayow, ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si gacan bir leh looga hortaggo kuwa nabadda carqaladeenaaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa wuxuu laamaha ammaanka ku booriyay inay xoojiyaan hawlgalada ay ku xaqiijinayaan nabadgelyad

halkaan hoose ka daawo markacadeey media

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300