Published On: Thu, Apr 28th, 2016

Booliska Kenya oo lagu wareejiyay gaadiid ay ku sugaan ammaanka Xeryaha Dhadhaab

booliska

Booliska dalka Kenya ayaa waxaa lagu wareejiyay gaadiid loogu talo galay in ciidamada ay isticmaalaan, ayna ku sugaan ammaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Gaadiidkan oo tiradooda ay gaareyso 10 gaadiid ayaa waxaa si rasmi ah ugu wareejiyay ciidamada Booliska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga ee UNHCR.

Madaxa Hay’adda UNHCR ee Dalka Kenya, Raouf Mazou ayaa sheegay in Gaadiidkaasi ay adeegsan doonaan Saraakiisha ammaanka ee Dowladda Kenya, si loogu sugo amaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Sarkaalkaan u qaabilsan Kenya UNHCR ayaa sheegay ciidamada Booliska inay masuuliyad ka saaran tahay ammaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo wax laga weydiin doono falalka amnidaro ee halkaasi ka dhaca.

Kenya ayaa dhowr mar oo hore waxa ay sheegtay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca dalkaasi in laga soo abaabulo gudaha Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dadka Xeryahaasi ku jirana waxa ay ka cabanayaan ciidamada Booliska oo haweenka fal kufsi ah kula dhaqaaqa xilliyada habeenkii ah, kadib markii qaar ka tirsan ciidamada si xoog ah ay ku galaan guryaha dadkaasi ay degan yihiin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300