Published On: Wed, Apr 27th, 2016

Turkiga oo sheegay inuu bilaabayo dhismaha 10-kun oo guri oo Muqdisho laga dhisaayo

turkiya

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayso dhismaha 10-kun oo guri kuwaasi oo laga dhisi doono Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya.

Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdoğan ayaa 25-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2015-ka wuxuu balan qaaday in Muqdisho uu ka dhisi doono 10-kun oo guri oo dadka danyarta ah ay degi doonaan, xilligaasi uu balan qaadka sameynaayay wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu booqasho ku yimid.

Ku xigeenka kaaliyaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Cali Kamal Aydin ayaa sheegay  in si dhaqsi leh ay ku billaabi doonaan dhismaha guryahaasi doorashada August ee la filayo dalka inay ka dhacdo kadib.

Ka hor inta aysan bilaabin dhismaha Guryahan ayuu sheegay Dowladda Somaliya in looga baahan yahay in laga helo Damaanad qaad sharci ah oo ku aadan, maadaama Qarash badan uu ku baxaayo dhulka la iibinaayo iyo dhismaha la bilaabaayo.

Dowladda Turkiga ayuu sheegay inay si rasmi ah uga dhabanayso qorshaha ku aadan balan qaadkii Madaxweynaha dalkaasi uu u sameeyay shacabka Somaliyed, balse la sugaayo inta doorashada dalka ay ka dhaceyso.

Dad badan oo Somaliyed ayaa si weyn ugu farxay balan qaadkii uu u sameeyay Madaxweynaha dalka Turkiga Erdugan in Somaliya uu ka dhisaayo 10-kun oo guri, balse dadka waxa ay isweydiinayaan halka uu ku dambeeyo balan qaadkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300