Published On: Wed, Apr 27th, 2016

Kenya oo sheegtay inay ka feejigan tahay weeraro Shabaab ka geystaan goobaha dalxiiska dalkaasi

keenya

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka rogtay inay ka feejigan tahay weeraro cusub oo Ururka Al Shabaab ay ku qaadaan goobaha dalxiiska dalka Kenya.

Kenya dhaqaale badan ayaa ka soo galay Dalxiiska, iyadoo tan iyo markii Shabaab weerarada ay ka bilaabeen dalkaasi uu hoos u dhaw weyn ku yimid dhaqaalihii badnaa ee Kenya kaga soo xaroon jiray Dalxiiska.

Madaxda Kenya waxa ay shaaca ka qaadeen in ay jiraan  ciidamo dheeraad ah oo lagu daad gureyn doono goobaha dalxiiska dalka Kenya si looga hortago weeraro la sheegay in ay  Al Shabaab damacsan yihiin

Waaxda dalxiiska Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in ay adkeyn doonaan ammaanka dalxiisayaasha ku sugan dalka Kenya  oo inta  badan  ka soo jeeda dowladda Shiinaha.

Dalxiiska oo ah waaxda  labaad ee ugu weyn wadanka  Kenya ayna dhaqaalo badan ka soo galaan Kenya, waxaa la sheegay   25% uu hoos u dhacay kadib markii qeybo ka mid ah Dalkaasi ay ka dhaceen Weeraro ay sheegteen Al Shabaab.

23 bishaan April ayey aheyd markii dowladda Kenya ay walaac ka muujisay ammaanka goobaha  dalxiiska  ee dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa horay u sheegay inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya, ilaa ciidamada Kenya laga saaro gudaha Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300