Published On: Wed, Apr 27th, 2016

Askari ka tirsan ciidamada Kenya oo saaxiibtiis dilay, isagana istoogtay

askari

Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Kenya ayaa shalay ku toogtay gabar ay saaxiibo ahaayeen  Kinda State oo ka tirsan Magaalada Kitui.

Askarigaa oo ka tirsan ciidanka KDF ee dalka Kenya ayaa sababta uu u dilay saaxiibtiis waxaa lagu sheegay inay tahay arimo ku aadan maser.

Askari ayaa da’aadiisa ay ahayd 30 jir,fariisinkiisa ciidana waxa uu ahaa Mariakani, oo ka tirsan Mombasa ee dalka Kenya.

Gabadha uu askariga dilay ayaa ahayd 25 jir,kasoo jeeda Kyusyani oo ka tirsan Lower Yatta ee dalkaasi.

Ninkaan Askariga ahaa wuxuu tuhunsanaa in gabadha ay xiriir la leedahay nin kale, taasina ay tahay mida sababta  u noqotay inuu dilo saaxiibtiis, isagana uu isdilo.

Qof deegaanka ah ayaa sheegay in Askariga habeen dhaweyd uu albaabka guriga u soo garaacay saaxiibtiis si uu ugala hadlo arintaasi, hayeeshe ay diiday inay ka furto, isaga oo careysana uu ka tagay.

“ Askarigu waxaa uu soo galay dhismaha,habeenimo,waxaa uu garaacay albaabka gabadha,waa ay ka diiday in ay ka furto.Wuu iska baxay,laakiin waxa uu soo laabtay subaxii,iyada oo isu diyaarinaysay shaqada, kadibna halkaasi ayuu ku dilay, isagana wuu isdilay.” Ayuu yiri mid kamid ah dadka dariska ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300