Published On: Tue, Apr 26th, 2016

Rag hubeysan oo maanta dil ka gaystay Magaalada Muqdisho

raag

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho kooxo hubaysan, ayaa saaka dil ka gaystay Degmadaasi.

Illaa laba nin, ayaa dilay nin la sheegay inuu ahaa ganacsade, kaasi oo magaciisa dadka deegaanka ay ku soo koobeen Aadan Afgooye.

Ninkaan, ayaa la toogtay xilli uu furaayay goob ganacsi uu ku lahaa Degmadaasi Dharkiinleey waxaana dilay rag hubaysan oo Bistoolad watay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in Aadan Afgooye maalmo ka hor Masjidka Salaam ee Degmada Dharkiinleey uu ka istaagay, islamarkaana uu ka sheegay dilalka inay ku soo badanayaan xaafadda, Maamulkana looga baahan yahay inay ciidamo dheeri ah keenaan xaafadda

Dadka waxa ay tilmaamayaan hadalkaasi in sabab uu u yahay dil loo geystay Aadan Afgooye oo goob ganacsi ku lahaa Xaafada Ceeldheere ee Degmada Dharkiinleey.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya, oo halkaasi ka bilaabay baaritaano, inkastoo aysan jirin cid la sheegay ciidamada dilkaasi inay u soo qabteen.

Dharkiinley waxay ka mid tahay goobaha ugu badan ay dilalka ka gaysanayaan xubnaha lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300