Published On: Tue, Apr 26th, 2016

Deg deg: Xildhibaan Caawa lagu weeraray Muqdisho

bre

Mid ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in uu caawa ka badbaadey fal la sheegay in la doonayay in lagu qaarijiyo.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaakan oo lagu magacaabo Xildhilbaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow  inay weerar ay ku qaadeen koox hubeysan oo watay laba Mooto oo bajaaj ah, xilli uu ku sugnaa gurigiisa  oo ku yaalla degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka Degaanka.

Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Koox Hubeysan oo watay  Mootooyin Bajaaj ay Bam gacmeed ku tuureen Guriga Xildhibaanka, kadibna ay ka baxsadeen goobta.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow aysan waxba ka soo gaarin weerarka lagu qaaday gurigiisa, laakiin waxaa ku dhaawacmay askar ilaalo u ahayd Xildhibaanka oo gaareysa 4 askari.

Dhaawaca askarta ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud oo firirkii Bambada ay gaartay. Xildhibaan Dhaayow ayaa markii weerarka lagu qaaday  ku sugnaa hoygiisa oo ku dhow Xarunta Xarunta Degmada Hodan.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300