Published On: Mon, Apr 25th, 2016

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiir ka tirsan Xukuumadda

sharmaarke

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Somaliya Guuleed Xuseen Qaasim.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xilkaan u magacaabay Mudane  Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay markii uu Ra’iisul Wasaaraha arkay baahida loo qabo tayeynta Xubnaha Joogtada ah ee Wasiirada Somaliya inuu garowsaday xil ka qaadista Wasiirkaan.

Digreetada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxday ayaa lagu sheegay markii uu arkay qodobka 97 farqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka Markii uu arkay; xeer Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Markii uu arkay  baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Maalmahan dambe ayaa si aad ah loo hadal haayay arinta ku aadan xil ka qaadista lagu sameynaayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300