Published On: Mon, Apr 25th, 2016

Carte Qaalib: ‘Dastuurka wuxuu u baahan yahay sharaxaad dheeri ah..”

Maxamed Cumar Carte Qaalib 1

Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayay sida bulshada looga qayb galinkaro dastuurka.

Waxaa goob joog ka ahaa shirka wasiirka arimaha Dastuurka, gudiga la socodka dastuurka ee barlamaanka iyo Gudiga madaxa banaan ee Dasturka iyo qaybaha Bulshada.

Abuukate Maxamad oo ku hadlayay afka Gudiga maddaxa banan ee dastuurka iyo Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ee baarlamaanka ayaa si isku mid ah u soo dhaweyay go’aamada ka soo baxay Shirkaan.

Wasiirka arimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh ayaa ku tilmaamay shirkaan mid guul ku soo dhamaaday waxa uuna sheegay in ay dhiiri galinayaan wadatashiyada Bulshada rayidkaa.

Ra’iisul waasare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in sharaxaad dheeraad ah loo sameeyo qodobada dastuurka.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300