Published On: Sun, Apr 24th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada deegaanka Dacdheer iyo Galmudug oo sheegtay waajib inay tahay Difaacida shacabkeeda

warkaan

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Dacdheer ee Gobolka Galgaduud, gaar ahaana ku yaal Deeganada dhaca dhanka xuduuda Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya uu la wadaago Gobolka Galgaduud.

Deegaankan Dacdheer shalay waxaa ku dagaalamay ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka, iyadoo dagaaladaasi ay ka dhasheen Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac soo kala gaaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid caadi ah oo saaka uusan wax dagaal ah ka jirin deegaanka Dacdheer, balse ay jirto cabsi ku aadan mar kale inuu dagaalka dib u qarxo.

Maamulka Galmudug oo dagaaladan ka hadlay ayaa sheegay in duulaan gardaro ah shacabka deegaankaasi lagu soo qaaday, balse waajib ay tahay Difaacida shacabka Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay sheegay in ciidamada Liyuu Boolis oo wata calanka Itoobiya ay dad shacab ah laayeen, sidoo kalena marar badan ay shacab ka barakiciyeen deegaanno badan, dhulka Somaliyana ay soo galeen in ka badan 15-KM taana ay sababtay in shacabka ay dagaallamaan.

“Dagaalkaan billow ma ahayn waxa uu ahaa dagaal muddo socday, dad shacab ah oo iyagu isir sifeyn lagu sameynayay la soo barakiciyey, markii ay dhanka Somaliya soo aadeen laga daba yimid, waxa falkaasi geysanayana waxay ahaayeen ciidan wata Calaamadda Itoobiya oo lagu magacaabay Liyuu Boolis, dhulka ay soo galeen waa mid Somaliyed oo ay ku dagaallameen dhiigana ku daadiyeen, in ka badan 15 Km ayeey gudaha Somaliya u soo galeen, dhib badan ayeey shacabka u geysteen, shacabkana markii laga daba yimid hubka ayeey qaateen oo ay la dagaallameen maadaama meel walbo looga daba imaanayo walibana la dhibaateynayo, ciidankaan waxay laayeen dad badan, aqallo ayeey gubeen horayna caruur bay gawraceen, waa dad si xun u dhaqmaya oo aan wadan dhaqanka Somalida waxayna noqotay in dadku xanuunsado.” ayuu yiri Mr Guure.

“Waxaan ugu baaqeynaa wanaag iyo nabad, waxaan ugu baaqeynaa dowladda Itoobiya iyo maamulka Kililka Shanaad in la joojiyo xadgudubka Liyuu Boolis, sida ugu dhaqsiyaha badanna wax looga qabto, Galmudug waxay dooneysaa walaalnimo, deris iyo wada noolaansho, hadii daandaansigaan sii socdo inaan shacabkeena difaacno ama aan ka hadalno waajib bay nagu tahay.” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir ku xigeenka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300