Published On: Sun, Apr 24th, 2016

Qarax Khasaare dhaliyay oo xalay lagu weeraray Maqaayad ku taal Degmada Buurhakabo

buuhakabo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay, Qarax Khasaare geystay ayaa lagu weeraray Maqaayad ku taal Degmadaasi.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii fadhiyay Maqaayada, waxaana halkaasi ku dhintay hal ruux, iyadoo ay dhaawacmeen 10 kale.

Qaraxan oo ahaa Bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Maqaayada, xilli halkaasi la sheegay inay fadhiyeen askar ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya.

Guddoomiyaha Degmada Buurhakabo Maxamed Cali Nuur oo ka hadlay Qaraxan Bambada ah ee lagu weeraray Maqaayadaasi ayaa sheegay dadkii ku dhaawacmay in loola cararay Dhaawacooda Magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Wuxuu sheegay raggii ninkii Qaraxa tuuray inuu halkaasi ka baxsaday, balse ciidamada Booliska ay wadaan baaritaano ammaanka ay ku xaqiijinayaan.

Maqaayada Qaraxa lagu weeraray ayuu tilmaamay inay ku sugnaayeen dad shacab ah oo halkaasi ka casheynaayay, isaga oo meesha ka saaray inay goobta joogeen ciidamada Dowladda.

Bartilmaameedka goobaha Maqaayadaha ah ayaa muddooyinkaan dambe ku batay Somaliya, iyadoo Magaalada Muqdisho dhowr mar goobo maqaayado ah Qaraxyo lagu weeraray.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300