Published On: Sun, Apr 24th, 2016

Kenya oo heshiis muhiim ah ku weysay weerarada Shabaab darteed

keeenya

Dowladda Kenya ayaa heshiis muhiim ah waxa ay ku weysay weerarada Ururka Al Shabaab ay ka geysanayaan dalka Kenya, kadib markii Shirkada Total ee dalka Faransiiska laga leeyahay oo arimaha Shidaalka qaabilsan ay sheegtay qayb ka mid ah dalka Kenya inuusan ammaan aheyn.

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ku shirayay magaalada Kampala ay go’aan ku gaareen inay dhistaan dhuun weyn oo shidaalka ka qaada Uganda oo gaarsiiso Tanzaniya.

Dhuuntaan Dhismaheeda waxaa ku baxaya Qarash badan oo lagu qiyaasay Afar Bilyan oo Doolar, waxaana sidoo kale shaqo ka heli doono 15,000 Qof.

Shirkadda Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa diiday in Heshiiskaasi la siiyo Dowladda Kenya maadaama Shirkada ay ku andacootay in qeybo ka mid ah Dalka Kenya aysan aheyn amni.

Sababta Heshiiskaan Kenya ay u weyday ayaa ah weerarada Shabaab ay ka geystaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo noqday kuwa halis ah.

Kenya ayaa sheegtay in dhuuntaasi Shidaalka ay ka dhiseyso Magaalo Xeebeedka Lamu balse Magaalada ayaa lagu tilmaamay mid u nugul Weerarada Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300