Published On: Sun, Apr 24th, 2016

Guddoonka Baarlamaanka oo soo jeediyay in ajenda kale aan laga doodin inta laga dhameynayo xeerka Axsaabta

Mahad-620x330

Baarlamaanka Dalka ayaa Xiligan Guda Galay Ka Doodista Hindise Sharciyeed Axsaabta Siyaasada oo Dad Badan ay Dalbanayeen in Miiska Lasoo Saaro.

Sharcigan ayaa Qeyb ka ah waxyaaabah Muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka ka Dhacaya waloow Dowladda midda hadda jirta Badaleysa ay 4.5 ku imaneyso.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in aan ajende kale laga doodin ilaa laga dhameynayo meel marinta xeerka Axsaabta Dalka.

Shir guddoonkii Shirka Baarlamaanka ee Shalay Mahad Cabdalla Cawad,ayaa sheegay in Sharcigan uu si ahaan ugu dhowyahay Baarlamaanka maaddaama uu iyaga ka yimidna loo baahan yahay in dood xalaal ah la geliyo islamarkaana isaga meel la saaro.

Baarlamaanka ayaa ku jira kalfadhiga sideedaad ee ugu dambeya Baarlamaanka Sagaalaad ee Dalka,kaas oo uu waqtigiisu ku egyahay 1-=da Bisha Aagust ee Sanadkan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300