Published On: Sun, Apr 24th, 2016

Guddiga arrimaha gudaha Baarlamaanka oo sheegay in aysan garaneyn si ay ula xisaabtamaan Gaadiidka AMISOM ee dhibaateeya shacabka

AMISOM-620x330

Gudigan Arimaha Gudaha ayaa Tilmaamay iney Qirsanyihiin in Amisom Dhibaato Joogta ah Ku Heyso Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Amniga iyo arrimaha gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan AMISOM la hayn Saraakiil ay kala xaajoodaan dhibaatada ay Askartooda u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Jeesow in Saraakiisha AMISOM ay adag tahay in lala kulmo islamarkaana aan la heleyn iyada oo ay dhibaateynayaan Gaadiidka ay wataan Dadka Rayidka ah oo ay ku jiirayaan Waddooyinka Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Hadalka Gudigan ayaa Daba Socda Dhibaatadii ugu Danbeysay ee Mid Kamid ah Gawaarida Qafilan ee AMISOM, Shalay isgoyska KM4 uu Kujiiray Oday Da’ahaa.

Dadkii ka agdhawaa goobta uu falkju ka dhacay ayaa isku horgooyay Gaariga jiiray Odayga,kadib markii uu isku dayay in uu dhaqaaqo,waxaana u yimid Ciidanka Dowladda oo iyana ku qasbay AMISOM in ay qaaddo Dhaawaca Odayga ay jiireen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300