Published On: Sun, Apr 24th, 2016

Ciidanka gaarka ah ee UK oo dagaal qarsoodi ah kula gala Al-shabaab,gudaha Soomaaliya

SAS-620x330

Wargeyska Daily Star ee ka soo baxa Magaalada London ayaa qoray maanta oo Axad ah in Ciidanka Gaarka ah ee Dowladda Ingiriiska ee loo yaqaan SAS, Unug ka tirsan ay joogaan Muqdisho,kuwaa soo tababara Ciidanka Gaarka ah ee Soomaaliya,mararka qaarna kala qeyb gala howgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Koox ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee SAS Special Forces ee dalka Britain ayaa ku sugan gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka Dowladda Federalka siinayo u tababara La-dagaalanka Alshabaab.

Wargeyska Maalinlaha ee Daily Star ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in 10 ka tirsan Ciiddanka SAS Special Forces oo aad u hubeysan ku sugan yihiin Xero fog oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee magaalladda Muqdisho.

Wargeyska waxa uu qoray inay Ciiddanka SAS Special Forces si caadi ula dagaalamaan Alshabaab oo Isbahaysi la leh Ururka  Alqaacida.

Wargeyska Daily Star, waxa kale oo uu qoray in Ciiddankaasi oo aad u hubeysan loogu talagalay inay arbushaan iyo in ay joojiyaan Hawlgalladda Alshabaab ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Ciiddanka Khaaska ee Britishka ee ku sugan duleedka Muqdisho ayaa la sheegay inay isla shaqeynayaan Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee USA Delta Force, kuwaasi oo hagayo duqeymaha Diyaaradaha Maraykanka ee saldhigooda ku yaallo dalka Jabuuti ku hayaan Alshabaabka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wargeyska waxa uu daabacay in Ciiddan badan oo ka socda Britain iyo dalalka Midowga Europe tababar siinayaan Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda Federalka oo la filayo inay goor dambe oo sannadkan guluf xooggan ku qaadaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Ra’isalwasaaraha Ingiriiska Dived Cameron,ayaa Bishii Septmber ee Sanadkii hore sheegay in Dowladdiisu ay Soomaaliya u direyso 70 Askari,kuwaas oo Dowladda Soomaaliya ka caawiya ladagaallanka Al-shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300