Published On: Sun, Apr 24th, 2016

Baarlamaanka dalka Uganda oo ka walaacsan dhimitaanka Mushaarka Amisom

baar

Baarlamaanka Uganda ayaa ka walaacsan  niyadjabka  iyo hufnaan la’aanta ciidanka  Uganda ee ku sugan Somaliya kana mid ah howlgalka Midowga Afrika si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka dalka Uganda mushaarka ciidanka Uganda ee jooga Somaliya ayaa toos loo qaadan muddo dhan 4 bilood ,iyaga oo ku jira dagaalo culus iyo weeraro is qarxin ah oo ay kala kulmaan Al-shabaab.

Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Uganda,ayaa tilmaamay in Xukuumadda looga baahan yahay in ay dib u eegaan shuruudaha joogitaanka ciidanka Uganda ee jooga Somaliya ,islamarkaana ay gartaan doorka howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Dhawaan Ururka Midowga Yurube EU waxa uu sheegay in ay dhimeen %20 dhaqaalaha ciidanka Midowga Afrika Amisom,taasna waxay walaac ku beertay dowladda Uganda.

Askariga ka tirsan ciidamada Amisom ayaa wuxuu qaataa dhaqaalo badan oo aysan helin kuwa Somalida iyo xuquuqo dheeraad ah oo Askar waliba Amisom ka tirsan uu ka helo Beesha caalamka.

Ciidamada Amisom ayaa Somaliya jooga 9 sano, waxaana intaasi ay dagaal kula jiraan Ururka Shabaab iyaga oo aanan horumar wanaagsan ka gaarin dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300