Published On: Sat, Apr 23rd, 2016

Shirka Jowhar oo heshiis laga gaarey iyo Mooshinkii Xildhibaano ka keeneen oo….

shira=ka

Sida ay sheegayaan warar aanu helnay, mooshinkii laga keenay shirka magaalada Jowhar, Xarunta Shabeelaha Hoose oo muran uu ka taagnaa ayaa dib looga laabtey.

Mudayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya, Odayaasha dhaqanka iyo xilidhibaanada kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe in loo saarey in ay xaliyaan khilaafka ka taagan shirka..

Mudo 45 Maalmood ah ayaa la sheegay in ay qaadan doonto xalintani.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan in loo xareeyo ergooyinka ka qeyb galaaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan ayaa qaar ka mid mudanyaasha baarlmaanka Soomaaliya waxay gudbiyeen mooshin ka dhan ah dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha dhaqanka Beelaha Hiiraan ayaa dhowr jeer ka hor yimid habka loo wajahayo shirka Jowhar, iyadoo dhowr jeer mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka oo uu madaxaweynaha u horeeyo ay ku baxeen, inkastoo xal loo heley xilligaasi, hadana mar dhoweyd ayay ahayd, markii odayaasha Hiiraan ay mar kale ka baxeen SHirka Jowhar, taasi oo keentey in uu hakad ku yimaado.

Odayaasha dhinacyada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaan weli ka Hadley go’aankani lagu xalinaayo khilaafka taagnaa.

Dhinaca kale, Amaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi, iyadoo saacadaha soo socdo la filaayo in shirka uu dib u bilowdo.

Wararka iyo Wrabixinada ku saabsan SHirka waan idin soo gudbineynaa Insha Allah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300