Published On: Sat, Apr 23rd, 2016

Ciidamada Liyuu Boolis iyo dad shacab ah oo ku dagaalamaya Deegaanka Daacdheer

bre

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Daacdheer oo ka tirsan Gobolka Mudug, gaar ahaana xiga dhanka xuduuda Somaliya iyo Itoobiya ay wadaagaan, dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu Boolis ayaa halkaasi ka socda.

Dagaalkaan ayaa la soo sheegayaa inuu yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ay weerar ku qaadeen deegaankaasi, kadibna dadka ay bilaabeen inay iska caabiyaan ciidamadaasi.

Dagaalkaan oo la soo warinaayo inuu saaka qarxay ayaa ilaa hada wuxuu ka socdaa Deegaanka Daacdheer, waxaana shacabka ay yihiin kuwa isa soo aruursaday oo ciidamada Liyuu Boolis la dagaalamaya.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaan ka dhashay, hayeeshe warar kala duwan ayaa ka soo baxaya inta uu la eeg yahay Khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Qaar ka tirsan Bulshada deegaanka dagaalka uu ka socda ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis muddooyinkaan dambe gardaro cad ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, islamarkaana maanta ay u soo bareereen dagaal toos ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa horay u sheegay in ciidamada Liyuu Boolis laga doonaayo inay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah ee dega deeganada dhaca xuduuda, waxaana uu ugu baaqay inay nabadda ilaaliyaan.

Masuuliyiinta Maamulka Galmudug weli kama aysan hadlin dagaalkaan culus ee ka socda deegaanka Daacdheer ee Gobolka Mudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300